Taariikhdu kolkey aheyd 1998 goor barqo ah anigoo dhex fadhiya Farmasi uu lahaa adeerkey Abdiaziz, ayaa waxaa ii soo galay Allahaa u raxmadee Awoowe Saalax Qayley oo colcolaadinaya caag saddexle saliid caddey ahna gacanta ku wata wuxuu leeyahay : Tol beelay Tol beelay Tol Beelay!! Caagagi saliidda ayuu ii dhiibay, waxaa kasoo daba galay oday dhagajuun la oran jiray oo reer Nuur ahaa Allahaa u raxmadee, waa reer Nuur diini ee ma ahan reer Nuurki Talxe. Wuxuu leeyahay Adeerow Caaggan saliidda anaa iska leh . War illeen tanoo kale!!! Waxaan iri see waxu jiraan ? Qisadaan baa odayaasha soo dhex martay : Waxaa saliid geddiga gedo ku qeybisay ICRC odayga dhaga juun Saliid badan ayuu nasiib usoo helay, wuxuu kusoo rartay Gaari Dameer markuu Buundada marayo baa caagagi webiga oga daateen. Wiil yar oo talxe ah dabaashana yaqaanay buu ku yiri adeerow iisoo bixi waxaad awooddo Wiilki yaraa webiga ha isku tuuro laba caagna hasoo bixiyo. Waxaa lasoo kulmay ...
Talxa waxuu dhalay Wadashame iyo kheyraan Kheyraan waxuu dhalay Maxamed abokor iyo Ibraahim abokor Ibraahim abokor waxuu dhalay cumar ibraahim iyo maxamed Ibraahim Cumar Ibrahim .....4 Adan cumar iyo adeerkood oo maxaad cumar ah Xuseen Adan Axmed Adan Cabdi Adan Maxamed Ibrahim Axmed Maxamed iyo maxamuud Maxamed Axmed Maxamed Kuuloow axmed Iyo afrax iyo Xalane