Taariikhdu kolkey aheyd 1998 goor barqo ah anigoo dhex fadhiya Farmasi uu lahaa adeerkey Abdiaziz, ayaa waxaa ii soo galay Allahaa u raxmadee Awoowe Saalax Qayley oo colcolaadinaya caag saddexle saliid caddey ahna gacanta ku wata wuxuu leeyahay :
Tol beelay Tol beelay Tol Beelay!!
Caagagi saliidda ayuu ii dhiibay, waxaa kasoo daba galay oday dhagajuun la oran jiray oo reer Nuur ahaa Allahaa u raxmadee, waa reer Nuur diini ee ma ahan reer Nuurki Talxe.
Wuxuu leeyahay Adeerow Caaggan saliidda anaa iska leh .
War illeen tanoo kale!!!
Waxaan iri see waxu jiraan ?
Qisadaan baa odayaasha soo dhex martay :
Waxaa saliid geddiga gedo ku qeybisay ICRC odayga dhaga juun Saliid badan ayuu nasiib usoo helay, wuxuu kusoo rartay Gaari Dameer markuu Buundada marayo baa caagagi webiga oga daateen.
Wiil yar oo talxe ah dabaashana yaqaanay buu ku yiri adeerow iisoo bixi waxaad awooddo
Wiilki yaraa webiga ha isku tuuro laba caagna hasoo bixiyo.
Waxaa lasoo kulmay Duq Saalax wiilkiyoo caagagi wada biyahana ka da aayiin, daf haka siisto hana yiraahdo :
Caagagan wiilkeyga ayaa halis naftiisa u galiyay anaana iska leh.
Wiil dhalin yaro ah oo dhaga juun uu dhalay & duqa ha is qabsadaan, waxaa lasoo kulmay mid yar oo duqa awoow u yahay, waxaan filayaa inay dhashay Cabdiya Saalax.
Dhagax iska qabo ha yiraahdo ina dhaga juun dhiig kor & hoos ha u boodo.
Duq Saalaxna fursad buuba helay intay wiilkooda ku mashquul sanaayeen ayuu soo orday buundada agteeda ayuu tol beelay kasoo bilaabay ilaa uu ii yimid.
Markaan arkay arinka suu u dhabaq san yahay aana garowsaday inaan aniga xallin Karin
Awoowgey saalaxna aan kala dhimaneyno haddaan iraahdo nimanka waxooda sii.
Waxaan iri na keena labadiinaba farmasigina waan soo xiray meel bakhaar u aheyd Adeer Abdiaziz balbalo Qabow oo ku taallay baan fariisayay Odayaal Talxe ah oo aan ka xusuusto Sh Cali Santuur Allahaa u raxmadee ayaan u keenay.
Garti kolkey dhageysteen Sh Cali Santuur ayaa hadlay wuxuu yiri :
Niman yahow Abookeey Saalax ma qaldana waa saxanye,
Maxaa yeelay waxaas ogaay Galti ha la iska dhiciyo, meel lagu heshiiyeyna maas ogeyn. !!
Aboow Saalax adna waxaan ku leeye galti waa la heshiiyee woxooda iska sii
Saalax Qayley Qosol inta ku dhuftay kuye : Tolkaa waas ka adag yehee ma ogte
Arinti waxaa lagu gaba gabeeyay saliiddiina qaata dhiiggi wiilkiinana u tuura jugti uu odaga gaarsiiyay Nabadeey sidii baa lagu kala fulay.

Comments
Post a Comment